U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Soo Gabagabeeyay Shir Muqdisho Ka Socday Maalmahaan

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo xiray shir muhiim ah oo maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday masuuliyiin ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah.

Guddoomiye Baashe oo munaasabadda xiritaanka shirka ka hadlay ayaa tilmaamay in aan Cadaalad la’aan ami-daro laga baxayn, Khilaaf iyo Gaajona xal loo helayn, sidoo kale Midnimo iyo wadajir bulsha aan la gaari karin.

Sidoo kale wuxuu tibaaxay in loo baahanyahay in la helo hannaan caddaaladeed oo madax-bannaan oo qof walboo geyiga Soomaaliyeed ku nooli uu ku naaloon karo, asagoo xusay ujeedada shirku ay tahay sidii himiladaa loo rumayn lahaa.

Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu dambeyn Wasaaradda caddaaladda xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey dadaalkeeda ku aaddan xoojinta hay’adaha garsoorka, iyo isku dubaridka shirkan mahiimka ah.