Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijadii doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay u gudbiyeen maxkamadda.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa yimid kadib baaritaanno iyo hubin sharciyeed oo ay maxkamaddu ku sameysay habraacyadii doorashada, cabashooyinkii la xiriiray iyo warbixinnadii guddiga doorashooyinka.
Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashadu u dhacday si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla.
Warqadda kasoo baxday Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in tirada guud ee codbixiyeyaasha la diiwaangeliyay ay gaareysay 376,212 qof, halka codadka ansaxay ay ahaayeen 128,276 cod. Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajir ayaa noqday xisbiga ugu codadka badan, isagoo helay 67,970 cod oo u dhiganta 52.99%, kana helay 51 kursi Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed.
Ansixinta maanta ayaa soo afjareysa hakad iyo muran maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa sharciyeynta natiijada doorashada, kadib markii hore ay Maxkamadda Sare u sheegtay inaan wali si rasmi ah loogu soo gudbin natiijada doorashada Koonfur Galbeed.