U bood dhigaalka

Nin Qoyskiisa 26 Sano Ka Hor ay Maleeyeen Inuu Geeriyooday oo Dib Looga Helay Algeria

Nin u dhashay dalka Aljeeriya oo la waayay 1998-dii intii lagu jiray dagaalladii sokeeye ee dalkaas ayaa 26 sano ka dib isagoo nool laga helay qol qoyskiisa deriskooda ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Wasaaradda Cadaaladda ee dalka ayaa sheegtay in ninkan oo magaciisa lagu sheegay Omar bin Cumran ama Omar B la waayay isaga oo 19 jir ah, loona maleeyay in la afduubtay ama la dilay, balse waxaa la helay isagoo nool horaantii todobaadkan.

Da’diisa ayaa ah 45 sanadood, waxaana laga helay qol xero ari ku dhex yaalla oo ay ku qariyeen reer deriska ah oo 200 mitir keliya u jirta gurigiisa hore oo ku yaala deegaanka Djelfa oo ka tirsan waqooyiga Algeria.

Wasaaradda caddaaladda ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan ku saabsan fal-dembiyeedkan arxan-darrada ah, isla markaana dhibbanaha uu helayo daryeel caafimaad iyo mid maskaxeed.

Booliiska ayaa xiray oday 61 jir ah oo lagu eedeeyay inuu dhacdadan ku lug lahaa, waxaana arrintan la ogaaday ka dib markii ninka la tuhunsan yahay walaalkiis uu baraha bulshada ku baahiyay xogo daahsoon, iyadoo la sheegay in uu jiro muran dhaxal ah oo u dhexeeya walaalaha.

May 12-keedii 8-dii fiidnimo waqtiga maxalliga ah ayay boolisku ka heleen dhibane Cumar bin Cumran, oo 45 jir ah, qolka reerka deriskiisa ah oo deganyahay oday 61 jir ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan masuuliyiinta garsoorka dalkaasi.

Hooyada dhibbanaha ayaa dhimatay 2013-kii, xilligaasoo qoysku weli ay rumaysnaayeen inuu dhintay, waxaana Warbaahinta Aljeeriya tibaaxday in bin Cumran uu u sheegay samata-bixiyaashiisa inuu mararka qaar meel fog ka arki jiray qoyskiisa, balse wuxuu dareemay inuusan awoodin inuu u yeero, sababtoo ah cabsi xoog leh ayuu ka qabay qofkii haystay.

Helitaanka ninkan ayaa daboolka ka qaaday xogo daahsoon oo ka dhex jiray bulshadiisa tan iyo dagaalkii sokeeye ee dhiigga badani ku daatay ee Aljeeriya.

Ehelada dhibanayaasha dagaalku waxay weli raadinayaan cadaaladda eheladooda maqan iyo kuwa dhintay, waxaana dagaalkii Aljeeriya oo socday 1990-kii illaa 2002 ku naf waayay in ka badan 200000( laba boqol oo kun) oo qof, halka ugu yaraan 20000(labaatan kun) lagu afduubtay, kuwaasoo aan qaarkood dib loo arkin.