U bood dhigaalka

Dhaqtar Mareykan ah oo Diiday Inuu Ka Guuro Magaalada Gaza

Dr Adam Hamawy, oo ah dhakhtar Maraykan ah oo ku takhasusay qalliinka balaastiga oo ka mid ah saddex ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Maraykanka ayaa diiday fursad ay kaga guuri lahaayeen Gaza.

Ninkaan ayaa sheegay in uu meesha baaqi kusoo ahaan doono, islamarkaana in badan oo ka mid ah dhaqaatiirta ku sugan Gaza la dilay.

“Damiir wanaagsan iguma jirto in aan kooxdayda ka tago, Ma ahan cadaalad inaan ka tago sababtoo ah waxaan ahay Ameerikaan.” Ayuu yiri Dr Adam.

“Halkan waxaan ku haynaa dhakhaatiir si joogto ah loo beegsaday. Waxaan leenahay cisbitaalo si joogto ah loo beegsaday,” ayuu yidhi Hamawy, oo qayb ka ah koox shaqaale caafimaad oo maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo jooga Isbitaalka Yurub ee Khan Younis.

Dhaqtarkaan ayaa hadal heyn ka dhaliyay dalka Mareykanka, qaar ka mid ah golaha wakiilada ayaa ku doodayay maalmihii lasoo dhaafay in loo baahan yahay in muwaadiniinta mareykanka ah laga soo saaro Gaza.