U bood dhigaalka

Kooxda Manchester City oo Taariikh Ka Dhigtay Horyaalka Primary league Tan iyo Bilowgiisii 1992-dii

Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester City ayaa horyaalka Ingiriiska ka dhigtay taariikh aan hore loo dhigin tan iyo markii la bilaabay tartankiisa, majirin koox ku guuleysatay afar sano oo xiriir ah, laakiin caawa ayaa loo diiwaan geliyay macalin Pape Guardiola iyo kooxdiisa oo taariikh aan tirmin ka galay.

Kooxda kubadda Cagta Arsenal oo tartamayaal ahaa ayaa sanadkii labaad ka noqday horyaalka kuwa Malxiis ah, waxaana ay ka shalaynayaan guuldarradii kasoo gaartay kooxda Aston Villa oo ka lumisay fursadda ay ku qaadi laheyd horyaalka 20 sano kadib, tan iyo sanadkii 2004 oo ay qaadeen horyaalka.

Manchester City ayaa horyaalkeedii 7-aad ku guuleysatay tan iyo markii uu shaqada la wareegay Pape Guardiola, kooxda ayaa laba jeer suurto gal ka dhigtay sedex sano oo xiriir ah, inta aysan ka dhexgelin Liverpool, laakiin taariikhdaas ayaa u badashay in sanadkaan ay gaaraan markoodii 4-aad oo xiriir ah.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Etihad ayaa dhaaftay ricord-kii hore ee kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United oo aheyd kooxda kaliya eek u guuleysatay 3 jeer oo xiriir ah, intii u dhaxeysay 2007 -2009, taas oo aheyd taariikh aan la taaban tan iyo imaatinkii macalin Pape iyo kooxdii taariikhda dhigtay.

Caawa oo taariikhdu tahay 19-ka bisha ayaa lasoo gabagabeeyay horyaalka oo la ciyaaray kulankii 38-aad ee primary league, City ayaa kulankeedii ugu dambeysay ku begantay kooda West Ham United oo ay ku dhaaftay 3 1, halka kooxda Arsenal ay Everton ku dhaaftay 2 1, taas oo dhigtay kaalinta labaad sanad kale.