U bood dhigaalka

Sarkaal sare oo Shabaab ah oo Lagu Dilay Howlgal Ciidanka Xoogga Ka Fuliyeen Koonfur Galbeed

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab oo muddo dheer ay ku daba jireen ciidanka Soomaaliya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, oo ka dhacay howlgalka deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ururkaas Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in xogta Ninkaan ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn, ka dibna howlgal ay qaadeen lagu dilay.

Waxaa kaloo uu sheegay taliyaha ninkaan oo dhibaato badan ku hayay shacabka deegaankaasi iyo meelaha u dhow, islamarkaana markaste ay kasoo gaari jirtay cabasho joogto ah oo ku saabsan ninkaan.

Taliyaha ayaa xusay in hadda ay waddaan howlgallo,islamarkaana ay ku raadjoogaan xubno kale oo ka tirsan Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka howlgal ay fuliyeen lagu dilay Nabadoon si weyn Shabaab ula shaqeyn jiray oo ku sugnaa gobolka Bakool.