U bood dhigaalka

Waa Kuma Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ee Ku Dhintay Shilka Diyaaradeed

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa dhintay ka dib markii diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen isaga iyo mas’uuliyiin kale ay ku burburtay dhul buuraley ah iyo kaymo ah oo ku yaalla dalkaasi iyadoo cimilo xumo ay jirto.

Madaxweyne ku xigeenka Iraan ayaa xaqiijiyay dhimashada Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibada.

Ebrahim Raisi wuxuu sanadkii 1960 ku dhashay Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan isla markaana hoy u ah Shiicada. Aabbihiis oo wadaad ahaa, wuxuu dhintay makii uu Raisi shan jir ahaa.

Raisi, oo xirta dharka dhaqanka Shiicada ayaa raacay raadka aabbihiis wuxuuna isgoo 15 jir ah bilaabay in magaalada Qom uu u aado waxbarasho.

Ebrahim Raisi, oo ah wadaad mayal adag oo xiriir dhow la leh Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa xilka loo dhaariyay bishii June ee sanadkii 2021 kii .
Ninkan 63 sano jirka ah ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii isaga ka horreeyay Xassan Rouhani.

Wuxuu hore u ahaa madaxa waaxda garsoorka, wuxuuna qabay aragtiyo siyaasadeed oo xagjir ah. Dad badan oo reer Iiraan ah iyo kuwo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeya doorkii uu ku lahaa dilkii sanadihii 1980-meeyadii lagu fuliyay maxaabiis siyaasadeed.


Kaddib kacdoonkii Iran wuxuu ku biiray garsoorka wuxuuna dhowr magaalo ka noqday dacwad-ooge iyadoo isla markaana uu tababar ka qaadanayay Ayatollah Khamenei, oo noqoday madaxweynaha Iiraan sanadkii 1981.

Raisi ayaa noqday ku xigeenka dacwad-oogaha ee Tehran xilli uu markaas jiray 25 sano. Isagoo xilkaas haya ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah afar xaakim oo ka howl-geli jiray maxkamado qarsoodi ah oo la sameeyay sanadkii 1988 kuwaas oo loo aqoonsaday “Guddiga Dhimashada”.

Raisi wuxuu noqday dacwad-oogaha Tehran, kaddibna ku xigeenka madaxa garsoorka, kahor intaan loo magacaabin dacwad-oogaha guud ee Iiraan sanadkii 2014.


Labo sano kaddib, Ayatollah Khamenei ayaa u magacaabay madaxa mid ka mid ah ururrada diimaha ee ugu muhiimsan Iiraan uguna dhaqaalahabadan ee Astan-e Quds-e Razavi.