U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Toogasho ah Ku Ridday Ibraahim Aadan Maadeey oo Ka Tirsanaa Al-shabaab

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ku ridday Ibraahim Aadan Maadeey oo magaciisa Afgarashadiisuna yahay Cabdiraxmaan, kaas oo lagu eedeeyay ka tirsanaanta Al-shabaab iyo inuu geystay dilal qorsheysan oo ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaa Al-shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee Gobolka Jubbada dhexe, Tabbar gaaban oo dhinaca Dillalka Qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, Gaar ahaan Kooxda Dilalka Gaadmada ah fulisa, ka hor inta uusan soo galin gacanta laamaha amniga.

Dilalka loo heysto ayaa waxaa kamid ah dil 2024 loo geystay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo Afaafka hore ee gurigeeda, marxuumadda ayaa ka tirsaneyd waaxda nadaafadda ee degmada, xilliga uu dilayay ayuu ka dalbaday biyo uu cabo kadibna uu sidaas ku toogtay sida lasoo bandhigay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo Tobankii bishaan oo maxkamaddu u fariisatay dhageysiga kiiskaan isagoo qirtay inuu geystay falka dilka ah ee Allah unaxariistee Marxuumada Khadiijo Siyaad Maxamed.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed, taas oo sanadkaan horaantiisii lagu dilay xaafadda Albaraka ee Hodan.

Gabagabadii fadhigaya ayaa waxaa warbaahinta la sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Maxkamadda ayaa maalmahaan ku howlaneyd kiisas kale duwan oo la xiriira dilal siyaabo kale duwan u dhacay.