U bood dhigaalka

Sirweynaha Qaxootiga oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadad Alio ayaa soo xiray Shirwaynaha Qaran ee Dib-u-eegista Hirgalinta Ballanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Adduunka 2019.

Wasiir Saadaad ayaa bogaadiyay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, isagoo sidoo kale ammaan usoo jeediyay madaxda iyo wakiillada ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir, SSC Khaatumo iyo martida kale sida ay talooyinka muhiimka ah ugu biiriyeen Shirka seddexda maalin ee uu socday.

Ugu Dambayn, Munaasabadda Gabagabada kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaanno, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.