U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaashandhigga oo Faahfaahin Ka Bixisay Howlgal Ciidanku Ka Fuliyeen Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howl-gallo ay ciidanka dowladdu ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeeladda dhexe ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Ciidanka kumaandoska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay agagaarka magaalada Ruun-nirgood ee gobolkaShabeeladdadhexe iyo degaanka toora toorow ee Shabeeladdahoose, sida uu sheegay Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed Xasan.

Howl-galladan ayaa lagu khaarijiyay 4 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab sida uu sheegay Afhayeenku, asagoo intaa ku daray inay ciidanku gacanta ku dhigeen gaari nooca loo yaqaanno laylada ah oo siday hub iyo rasaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howl-gallo kale ay ciidanku ka sameeyeen dhexyaallo iyo Golweyn oo ah deegaanno ka kala tirsan labada shabeelle, waxaana lagu byrburiyay xarumo ay Alshabaab halkaa k lahaayeen.

Howl-gallada ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku wadaan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad u xoogaystay, waxaana la filayaa inuu dhowaan billaaban doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee uu madaxweynuhu horey ugu dhawaaqay