U bood dhigaalka

Dhimashada Ka Dhalatay Dhul Go’a Dalka Papua New Guinea oo Korortay iyo Musiibo Ka Taagan

Ilaa 2,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku aasan yihiin dhul go’a todobaadkii hore ka dhacay Papua New Guinea, sida laga soo xigtay Xarunta Musiibooyinka Qaranka ee dalka, iyadoo dadkii badbaaday ay ka sheekeeyeen dhacdooyin naxdin leh oo ay ku waayeen dad badan oo ay jeclaayeen.

Dhul go’a ayaa ka dhacay gobolka buuraleyda ah ee Enga ee waqooyiga Papua New Guinea, waxaana sare u kacday tirada rasmiga ah ee dadka la la’yahay marka loo eego qiyaaso hore.

Samatabbixiyeyaashu waxay ku howlanyihiin inay raadinta dadka la la’yahay, bslse waxay la kulmayaan culaysyo iyo dhibaatooyin dhanka cimilada ah, taasoo adkaysa inay meelaha qaar gaari waayaan.

Tirada dhimashada ayaa hadda maraysa ku dhawaad 700 qof oo qof waxaana laga cabsi qabaa inay sii kororto, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Haweenay lagu magacaabo Evit Kambu ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay inay dhacdadan ku wayday in ka badan 12 xubnood oo qoys ah.

“Waxaan 18 qof oo ka mid ah qoyskayga ayaa ku hoos aasan burburka iyo ciidda aan dul taaganahay iyo xubno kaloo badan oo qoyska ka tirsan tuulada aan ku noolahay ma tirin karo”.

Si kastaba ha ahaatee dalkan ku yaalla koofurta galbeed ee badweynta Baasifiga ayaa la daalaadhacaya musiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh, waxaana weli dhul go’a ku hoos aasan kumanaan dad ah.