U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Soo Dhoweynayay Magacaabista Degmooyinka Cusub oo Muqdisho Lagu Qabtay

Munaasabad ballaaran oo di heer sare ah loo agaasimay, laguna soo dhoweynayo magacaabista degmonimo ee Gubadleey ayaa lagu xarunta degmadaas, kadib markii la siiyay aqoonsi degmanimo uu ku dhowaaqay madaxweynaha.

Maamulka Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, iyo Masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir oo munaasabadda ka qeyb-galay ayaa si qoto-dheer uga hadlay heerarkii ay soo martay degmadu.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane cali Maxamed Geedi oo kamid ahaa madaxdii goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadaalka dadaal muddo dheer socda ka dib lagu guulaystay in Gubadley ay degmo buuxda noqato, isagoo xusay in soo noqashadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye maddaale ay arrintaas qeyb libaax ka qaatay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhankiisa bogaadiyay tillaabadii uu madaxweynuhu dhowaan Gubadley oo muddo dheer deegaan ahayd degmo ugu magacaabay ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo dhinacyada hormarinta iyo nabad-galyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Gubadleey, Garasbaaleey iyo Daarusalaam oo horey deegaanno u ahaa u magacaabay degmooyin buuxa.