U bood dhigaalka

Muqdisho oo Noqotay 20 Degmo, Kdib Aqoosiga Dowladeed ee Garasbaaley, Gubadleey iyo Daarusalaam

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ayaa magacaabay degmooyin cusub oo ka mid noqan doono gobolka, kuwaas oo horay u ahaa deegaanno ka tirsan degmooyin kale.

Degmooyinka uu madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah Garasbaaleey,Daarusalaam iyo Gubadleey, kuwaas oo hadda ka dib noqanaya degmooyin rasmi ah oo qeyb ka ah Gobolka Banaadir.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud , uu ku dhawaaqay maamulka gobolka Banaadir ayaa degmooyinkan cusub loogu aqoonsaday kuwo rasmi ah oo ka baxay heerkii deegaanimo ee ay awal ku xisaabsanaayeen.

Gubadleey, Garasbaaleey, iyo Daarusalaam ayaa horay u ahaa deegaanno uu hormarkooda iyo kobocoodu xawli ku socdo, islamarkaana tartan ugu jiray in loo aqoonsado degmooyin buuxa.