Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Sacadiyo Macallin Cali, oo loo yaqaan Sacadiyo Bajaaj, kaddib markii xeer-ilaalintu ku guuldarraysatay inay soo bandhigto faahfaahin iyo caddeymo dhammaystiran oo ku saabsan eedeymaha loo haysto.
Abuukaate Xalane, oo ah qareenka difaacaya Sacadiyo Bajaaj, ayaa sheegay in dhageysiga dacwadda ay is hor-taageen dacwadda maadaama xeer-ilaalintu aysan keenin xog iyo caddeymo ku filan oo qeexaya nooca dacwadda iyo eedeymaha loo jeedinayo eedeysanaha.
Qareenka ayaa xusay in Dastuurka dalku uu dammaanad qaadayo in eedeysane kasta iyo qareenkiisu ay xaq u leeyihiin inay si buuxda u fahmaan dacwadda loo haysto, isla markaana ay codsan karaan dib u eegis ama hakinta dhageysiga haddii aan la helin xog ku filan oo arrintaas la xiriirta.
Sacadiyo Bajaaj ayaa la sheegay in loo haysto eedeyn la xiriirta kicin dadweyne, iyadoo muddo ku jirtay xabsi ka hor inta aan la hor keenin Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Lama shaacin taariikhda rasmiga ah ee mar kale dib loogu bilaabi doono dhageysiga dacwaddan, iyadoo la filayo in xeer-ilaalintu ay soo diyaarin doonto caddeymaha iyo xogta looga baahan yahay kiiska.