U bood dhigaalka

Warbixin: Fashilka Maamulka Gobolka Banaadir ee Maareynta Biyo-Mareennada Muqdisho

Juun 23, 2026

Roobabkii ugu dambeeyey ee ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa mar kale bannaanka soo dhigay dayacaad iyo qorshe la’aanta ka jirta maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinaca biyo-mareennada.

Kudhawaad 40 saacadood, waxaa weli go’an waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimadda, iyadoo biyihii roobka ay buuxiyeen jidadka, xaafadaha iyo goobaha ganacsiga.

Xaaladdan ayaa sababtay in dadweynaha ay la kulmaan dhibaatooyin dhinaca isu socodka, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada degdegga ah.

Waxaa nasiib darro ah in sanad walba xilliyada roobka ay soo noqnoqdaan sawirro iyo muuqaallo isku mid ah oo muujinaya waddooyin biyo fadhiisteen, gaadiid ku xanniban jidadka iyo shacab ku dhibaataysan gudaha caasimadda dalka oo ah halka dunida oo dhan ay ka eegeyso dalka.

Tani waxay muujinaysaa in maamulka Gobolka Banaadir uusan weli dejin qorshe waara oo lagu dhisayo ama lagu dayactirayo biyo-mareennada magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu marar badan ku faanaa dhismaha waddooyin cusub, hase yeeshee waddo aan lahayn biyo-mareen tayo leh ma noqon karto waddo casri ah.

Horumarka dhabta ahi ma aha oo kaliya in la dhiso laami, balse waa in la hubiyo in kaabeyaasha kale ee muhiimka ah, sida biyo-mareennada, ay shaqeynayaan si looga hortago fatahaadaha.

Waxaa la isweydiinayaa sababta canshuuraha iyo dhaqaalaha laga ururiyo shacabka Muqdisho aan loogu adeegsan xallinta dhibaatooyinka soo noqnoqda ee biyo-mareennada.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ma mudna in roob saacado kooban da’a uu curyaamiyo isu socodka dadka iyo gaadiidka muddo ka badan hal maalin.

Waxaa lagama maarmaan ah in maamulka Gobolka Banaadir uu la yimaado qorshe cad oo lagu dhisayo nidaam casri ah oo maareeya biyaha roobka,sidoo kalana shacabka uu la wadaago isla xisaabtan ku saabsan sababta sanad walba ay u soo noqnoqoto dhibaatadan.

Roobku ma aha masiibo lama filaan ah; waa dhacdo la saadaalin karo. Sidaas darteed, in Muqdisho ay ku dhawaad 40 saacadood kaddib weli go’doon u tahay biyo fadhiistay waddooyinka waxay daliil u tahay fashil maamul, qorshe la’aan iyo dayacaad muddo dheer soo jiitamaysay oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.