U bood dhigaalka

Dowladda Spain oo Maanta Sirasmi ah u Aqoonsatay Dowladnimada Falastiin

Golaha wasiirada dowladda Spain ayaa cod aqlabiyadda ah ku ansixiyay aqoonsiga rasmiga ah ee dowladd falastiin wasiirada, sida uu ku dhawaaqay afhayeen u hadlay dowladda, kadib kulankii golaha wasiirrada ay yeeshen.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa horay u sheegay in laga billaabo 28-ka bisha ay dowladdiisu si buuxda u aqoonsan doonto falastiin, go’aankaas ayaana maanta oo talaado ah dhaqan-gelay.

Sidoo kale dowladaha Norway iyo Ireland ayaa ayagana la filayaa inay saacadaha soo socda si buuxda ugu dhawaaqaan aqoonsiga dawlad madax bannaan oo ay falastiin leedahay, 3-dan dal ayaana Arbacadii la soo dhaafay isku mar shaaciyay inay tillaabadaas qaadayaan.

Maamulka Israa’iil oo arrintaa ka carooday ayaa u yeertay Danjireyaashii dalalkaa u fadhiyay, balse Falastiin iyo dowladaha taageera ayaa go’aankaas si weyn u soo dhoweeyay.