U bood dhigaalka

Dowladda Brazil oo Safiirkeedii Israel Kala Baxday, Xilli Si Adag ay Cambaareysay Xusuuqa Qaza

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa kala baxay safiirkii dalkiisa u joogay Israa’iil ka dib bilo ay xurguf u dhaxeysay labada dhinac,taas oo ka dhalatay dagaalka Israa’iil ay ka waddo marinka Qaza.

Tallaabadan ayaa lagu shaaciyay faafinta rasmiga ah ee dowladda Brazil oo Arbacadii la baahiyay, mase jirto jawaab degdeg ah oo ka timid dhanka maamulka Israa’iil.

Lula ayaa si joogta ah u dhaleeceyn jiray weerarka Israa’iil ay ku hayso marinka Gaza ee go’doonsan, kaas oo uu barbar dhigay xasuuqii Holocaust ee uu Hitler yuhuuddakugumaaday.

Danjire Frederico Meyer ayaa loo wareejiyay Geneva, wuxuuna ku biiri doonaa ergada joogtada ah ee Brazil ku matalaya Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee caalamiga ah.