U bood dhigaalka

Hey’adda Socdaalka Adduunka oo Ka Digeysa Cudurro Ka Dilaaca Dhul Go’ii Papua New Guinea

Dowladda Papua New Guinea ayaa meesha ka saartay in la helo dad badan oo ka badbaaday burburka dhul go’a weyn ee todobaadkii hore, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay ay ka digtay halis weyn oo ah cudurro ka dhex jira goobaha dadka barakacayaasha ihi ay ku noolyihiin, kuwaas oo aan weli helin cunto ku filan iyo biyo nadiif ah.

Lix maalmood ka dib markii bulshada ku nool buuraleyda gobolka Enga ay la kulmeen dhul go’a baaxad leh, kaasoo oo kumanaan dad ah nolosha ku aasay,islamarkaana dhagxaanta iyo burburka hoostooda lagu la’yahay.

hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa sheegtay in ilihii biyaha deegaankaasi ay wasakhoobeen, khatarta cudurraduna ay sare u sii kacayso.

Dhul go’a oo todobaadkii hore ka dhacay Papua New Guinea ayaa sababay dhimashada in ka badan 700 boqol oo ruux, halka kumanaan kalena illaa hadda la la’yahay, barakac baaxad lihina uu ka dhashay.