U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Doorashadii Ugu Adkeyd oo Ka Dhaceysa Koonfur Afrika iyo Ololaha Socda

Tirinta codadka ayaa ka bilaabatay koofur Afrika ka dib markii la xiray codbixinaha doorasho kamid ah kuwii ugu adkaa ee soo mara dalkaas,waxaana la filayaa in natiijada kama dambaysta ah lagu dhawaaqo ka hor Axadda.

Markii ugu horeysay muddo 30 sano ah, xisbiga maamulaha dalka ANC ayaa wajahaya walaac dhanka doorashada ah, iyadoo ay taageerayaashiisu si weyn hoos ugu dheceen, waxaana laga yaabaa inuu lumiyo aqlabiyadda baarlamaanka,taasoo haddii ay dhacdo keeni karta in lagu qasbo in la sameeyo isbahaysi.

Madaxweynaha Koonfur Afrika ee hadda Cyril Ramaphosa iyo madaxa xisbiga African National Congress (ANC) ayaa wajahaya tartan adag oo aanay muddo 30 ka badan la kulmin.

Ramaphosa oo 71 jir ah ayaa naawilaya in mar ​​labaad loo doorto hoggaaminta dalka,balse dad badan ayaa saadaalinaya in xisbigiisu uusan awooddin inuu helo aqlabiyad buuxda oo lagu qasbi doono inuu soo dhiso dowlad wadaag ah.

Murashixiinta kale ee doorashada ugu cad-cad ayaa waxaa kamid ah John Steenhuisen Steenhuisen oo 48 jir ah, kaas oo hoggaamiya Isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee (DA), ayaa u xusul duubaya inuu xukunka dhaafiyo xisbiga talada haya ee ANC.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee dalka Jacob Zuma oo 82 jir ah, kaas oo laga diiday inuu xubin ka noqdo baarlamaanka ayaa ah musharaxa xisbiga (MK) oo la filayo inuu kuraas badan helo xisbiga. Sidoo kale waxaa madaxtinimada dalka u tartamaya Julius Malema Malema oo 43 jir ah, waana aasaasaha Xisbiga Xoriyadda Dhaqaalaha (EFF), kaasoo ku ololeynaya aragti Ka duwan tan musharraxiinta kale.

Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaa ah mid kamida kuwii ugu adkaa ee dalkaas soo mara muddo 30 ka badan, waxaana isha lagu hayaa natiijada oo la shaacin doono maalmaha soo aaddan.