U bood dhigaalka

Dowladda Maldives oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Dadka Heystay Baasaboorka Israel

Dowladda Maldives ayaa ku dhawaaqday inay dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan dadka haysta baasaboorka Israa’iil, xilli maamulka tele Aviv uu duqeymo arxan darro ah ka wado marinka Qaza.

Xafiiska madaxtooyada ee jasiiradda badweynta Hindiya ku taal ee Maldives ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray in madaxweyne Dr Mohamed Muizzu uu go’aansaday in uu soo rogo xayiraadda ka dhan ah Israa’iil ka dib talobixin ka timid golihiisa wasiirada.

Ka dib markii uu soo baxay warka mamnuucista ah ee Maldives, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Israa’iil ayaa kula talisay Israa’iiliyiinta inay ka fogaadaan safarka jasiiraddan, ayadoo muwaaddiniinteeda hadda ku sugan dalkaasna ugu baaqday inay ka soo baxaan.

Sidoo kale madaxweynaha Maldives ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabayo ergey gaar ah oo qiimeeya baahiyaha Falastiin, wuxuuna sameynayaa lacag aruurin si loo caawiyo walaalaha Falastiin, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.

Warkan ayaa ku soo beegmaya maalmo yar ka dib markii madaxweynaha jasiiraddaasi uu cambaareeyay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday xero barakacayaal oo ku taalla magaalada Rafah, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 45 falastiiniyiin ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 200 oo qof.