U bood dhigaalka

Itoobiya Miyey Cabta Saartay Waddadii Burburka iyo Xaaladda Adag ee Abiy

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2015 waxaa gudaha dalka Itoobiya ka socday qalalaaso, dibadbaxyo waaweyn, iyo dagaallo ay wadaan jamhado iyo qowmiyado ka caraysan hab maamulka dalkaas.

Sidoo kale labo ka hor waxaa dowladda dhexe iyo is maamulka tigray ee waqooyiga dalka ka dhex qaraxday colaad lagu hoobtay oo ay kumaan kunoo qof ku naf waayeen, halka malaayiin kalena ay ku barakeceen.

Hadda waxaa inta badan deegaanada ka holcaya dagaal ka dhan dowladda, waxaana dhul ballaaran oo ay magaalooyin muhiim ihi ku jiraan gacanta ku haya jabhado hubaysan, kuwaas oo mararka qaar looga qabo inay caasimadda Adisababa qabsadaan.

Meelaha qaar waxay xaaladdu gaartay in guddoomiyaasha gobollada xaafiisyadooda lagu dhex toogto ama nolosha lagu afduubto, awoodda dowladduna waxay ku soo aruurtay inay xir xirto ehelada xubnaha jamhadaha ee aan ayagu wax galabsan.

Dhacdooyinkaas oo dhan markii la fiiriyo xeeldheereyaasha qaarkood ayaa rumeysan in Itoobiya ay qar u saarantahay burbur, islamarkaana qowmiyadaha ay ka koobantahay mid waliba ay maamulkeeda gaar u goosan doonto.

Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Itoobiya, islamarkaana ka qeyb-galay dood uu qabtay TV-ga Goobjoog ayaa sheegay in dowladnimadii dalkaasi ay aad u wiiqantay oo wadadii ay ku dumi lahayd ay cagta saartay.

Wuxuu intaa ku daray in 3-da qowmiyadood ee Itoobiya ugu waaweyn oo kala ah Amxaarada, Oromada, iyo Tigreeda ay ka aloosan yihiin xurguf iyo cadaawad ba’an, islamarkaana uu dagaal hubaysani ka dhex socdo, taasoo ka dhigan in goor aan fogayn ay talo faraha ka bixi karto.

Si kastaba ha ahaatee dalkan lagu tiriyo kan labaad ee Afrika ugu dadka badan, islamarkaana ay ku noolyihiin in ka badan 90 qowmiyadood ayaa hadda wajahaya nabad galyo xumo iyo qalalaaso aan horay loo arag, halka maamulka Abii Axmed uu dadka ku mashquulinayo damaciisa guracan ee ku aaddan badda Soomaaliya.