U bood dhigaalka

Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Degmada Ceeldheer ee Bariga Galgaduud

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day kooxda Alshabaab inay soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa ka hortagay weerarka gaadmada ah ee ay soo qaadeen kooxda Alshabaab sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda.

Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in dagaalka koowaad uu ka dhacay bannaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay kooxda weerarka soo qaaday, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.

Alshabaab dagaalka koobaad looga itaal roonaaday ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan, ciidanka deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada ayaana ka diley 18 xubnood, sidoo kalena ka qabdaday gaadiidka sida warbaahinta dowladdu tibaaxday.

Sidoo kale, intii ka hartay kooxda waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal, waxaana xogta horu dhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa sidoo lagu sheegay war saxaafadeedka.

Meydadka Alshabaab ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen kooxdu, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay, ciidankana waxaa ka dhintay 5 xubnood ayaa lagu soo gunaanaday bayaanka ay dowladdu soo saartay.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli saaka goor hore ay kooxda Alshabaab weerar ku ekeeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, islamarkaana uu dagaal xooggani halkaas ka dhacay.