U bood dhigaalka

Ku Dhowaad 50 Muhaajiriin oo Soomaali Ku oo Ku Geeriyootay Xeebaha Dalka Yeman

Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay 140 kalena waa la la’yahay ka dib markii dooni ay la socdeen qaxooti iyo muhaajiriin ka yimid Geeska Afrika, kuna socday Yemen ay degtay, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM.

Doonta degtay ayaa waxaa la socday ilaa 260-qof oo u badan dad u dhashay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo kicitimay xeebaha Waqooyi ee Soomaaliya, iyagoo ku sii jeeday meel 320km u jirta Gacanka Cadmeed si ay u gaaraan dalka Yemen.

muhaajiriinta ka imaanaya Geeska iyo Bariga Afrika ayaa si joogto ah ugu dhiiranaya safarka halista ah ee ay ku doonayaan inay ku gaaraan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carabta ee gobolka, iyagoo sii maraya Yemen.

Hay’adda IOM ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in la soo badbaadiyay 71 qof, kuwaas oo siddeed ka mid ah loo qaaday isbitaal, halka ugu yaraan lix carruur ah iyo 31 haween ahi ay dhinteen.

Bishii Abriil, ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhintay labo markab oo ku degtay xeebaha Jabuuti, xilli ay isku dayayeen inay gaaraan Yemen, IOM-na waxay sheegtay in ugu yaraan 1,860 qof ay ku dhinteen ama la waayay inta ay ku jireen jidkan halista badan.