U bood dhigaalka

Macalimiin Mareykan ah oo Lagu Weeraray Macbad Ku Yaalla Shiinaha oo ay Booqanayeen

Afar macalin oo Mareykan ah oo wax ka dhiga jaamacad yar oo ku taal Magaalada jilin ee bariga Shiinaha ayaa tooray lagu weeraray sida ay warinayso warbaahinta dalka maraykanku, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray.

Mid kamida ehelada dhibanayaasha ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in walaalkii uu ka mid ahaa dadka waxyeeladu gaartay, kuwaas oo dhamaantood ka tirsanaa Koleejka Cornell.

“Walaalkey David Zabner ayaa ka dhaawacmay gacanta intii lagu jiray weerar mindi ah oo lagu soo qaaday isagoo booqanaya macbad ku yaal magaalada Jilin ee Shiinaha,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in Kooxdu ay booqanayeen macbad ku yaal Beishan Park markii uu nin mindi ku weeraray. Muuqaal laga soo duubay dad dhulka jiifa oo ku jira beer lagu nasto oo wada dhiigaya ayaa ku wareegayay baraha bulshada gaar ahaan X, inkastoo aysan jirin wax calaamad ah oo sawirada lagu arkay baraha bulshada ee Shiinaha.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Shiinaha ama warbixinnada laga helay warbaahinta Shiinaha, lamana oga sababta weerarkan ka dambaysa.