U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Guddoomiyay Shirka Dowladaha Deeqaha Bixiyo oo Ka Dhacay Nairobi

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen labada heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-Goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.