U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dab Ka Kacay Dhisme Ku Yaalla Kuwait oo sii Kordhay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dhisme dab ka kacay dalka kuwait, iyadoo ilaa hadda dhimashada ay gaartay 49 qof.

Dhismaha uu dabku ka kacay waxaa deganaa shaqaale ajnabi ah, iyada oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale.

Dowlada Kuwait ayaan si degdeg ah u shaacin dalalka ay u dhasheen dadka dhintay.

Safiirka India ee dalkaasi ayaa booqday isbitaallada lagu dabiibayo shaqaalaha ku dhaawacmay dabka.

Mid ka mid ah isbitaalada, ayaa la dhigay in ka badan 30 muwaadin oo Hindi, sida ay safaaradda India ku qortay baraha bulshada.

Isagoo goobta dabku ka dhcay booqanaya, ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax waxa uu yiri ” damaca mulkiilayaasha hantida ma-guurtada ah waa waxa keenaya arrimahan”.