U bood dhigaalka

Qorshaha Istaraatiijiyadda 5 Sano ee Hey’adda Socdaalka oo Muqdisho Lagu Daahfuray

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa daah furay qorshaha istiraatiijiyadda hay’adda ee 5-ta sano ee soo socota.

Agaasimaha oo ka hadlay munaasabadda daah furka ayaa uga mahad celiyay dhammaan madaxda iyo qaybaha kala duwan ee HSJ iyo bahwadaagta hey’adda, sida mugga leh oo ay uga qayb qaateen dhammeystirka diyaarinta qorshahan, isagoo goobta uga dhawaaqay in la dhaqan gelin doono istirastiijiyaddan, loona isticmaali doono hagidda dhammaan howlaha horumarinta iyo adeeg bixinta ee HSJ, si la jaanqaadaysa halbeegga caalamiga ah.

Istiraatiijiyadda la daah furay waxa ay HSJ adeegsan doontaa muddo 5 sano ah oo ka billabata 2024. Diyaarinta istiraatiijiyadda ayaa qaadatay muddo ku dhaw 5 billood, mudadaas oo diyaarintu soo martay heerar kala duwan sida kulamo wadatashi ahaa, talo gelin lala yeeshay madaxda iyo qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay HSJ, kulamadaas ayaa ka kala dhacay xarumaha laamaha iyo Gobolka Benaadir.