U bood dhigaalka

Caalamul Islaami oo Siweyn Looga Dabaaldegayo Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa

Shucuubta Muslimiinta ah ayaa manta siweyn ugu dabaaldegaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, waxaana dadku ay u dareereen goobaha loo asteeyay in lagu tukado salaadda ciidda iyo Masaajidda si ay u oogaan Salaadda Ciida.

Bulshada caalamka ayaa iskugu tahniyadeynaya maalintaan weyn ee ah maalin aad ugu weyn umadaha muslimiinta ah meel kasta ay joogaan, marka la eego Xujeyda ayaa maalintii shalay istaagay Banka Carafo oo ah Rukniga ugu weyn Xajka.

Gudaha dalka shacabka ayaa ku tukaday salaadda ciidda goobo kale duwan waxaana siweyn looga dareemayaa Muqdisho in ay ka duwan tahay sidii hore oo ay tahay ammaan, ciidanka nabadgalyada ayaa taagan goob walba iyagoo ammaanka ilaalinaya.