U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Safar Ugu Amababaxay Hindiya

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo ay kaga qayb-gali doono shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga Garsoorka Afrika iyo Shiinaha oo muhiimad wayn u yeelan doona labada dhinac inay yeeshaan wada shaqayn joogta ah, gaar ahaan horumarinta Garsoorka.

Inta uu dalka Shiinaha joogo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf ayaa la filayaa inuu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta dhigiisa ah ee ka qeyb-galaya Shirka.