U bood dhigaalka

Somaliland: Siyaasi Xabsiga Loo Taxaabay iyo Rabshado Looga Soo Horjeedo Ka Dhashay oo Soconaya

Dibadbax xoogan ayaa ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ka dib markii xabsiga loo taxaabay siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee wadani oo halkaas ka soo degayay.

Dadweyne u diyaarsanaa inay soo dhoweeyaan siyaasiga Cismaan Cumar Dool oo garoonka diyaaradaha ka soo degayay, oo ay ciidamada Soomaaliland xabsiga dhigeen ayaa billaabay bannaan-bax ay arintaa ku diidanyihiin.

Dibadbaxa oo rabshado watay, islamarkaana ku faafay meelo kale oo magaalada kamid ah ayaa waxaa hadda ku baxay duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo masuuliyiin kale oo doonaya inay xiisadda xalliyaan.

Lama oga sababta ay ciidamada Soomaalilamd u xireen siyaasigan kamid ah xubnaha ugu cadcad Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Xukuumadduna weli kama hadlin.