U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Booqday Deegaannadii Al-shabaab Laga Saaray ee Jubbaland+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo safar shaqo kujooga Jubbaland ayaa maanta booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Shabaab isaga oo la hadlay hey’adaha amniga, ciidanka xoogga dalka iyo bulshada deegaanka.

Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka, waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida; Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Xoosh oo hadlay ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee deegaanka ka socda sida; Amniga, Nabadda iyo Xasiloonida isaga u mahadceliyey geesiyaasha ciidamada qalabka sida, isla markaana carabka ku adkeeyey in dowladda Federalka iyo dowlad Goboleedkaba Jubbaland ay ka iskaashan doonaan sidii Xasillin iyo Adeegyo kala duwan looga hirgelin lahaa halkaasi iyo meel walba oo laga kiciyo Al-shabaab.

“Deegaankan muddada gacan ku heynta Khawaarijta waxaa ay dhaxalsiisay in aaney jirin oo adeeg bulsho sida; Waxbarsho, Caafimaad, Leyrar iyo qaar kale. Waxaa farriitan kula laabanayaa caasimaddi, Dowladda Federaalka iyo Saxiibada Caalamka, waxaanna Dib usoo celin doonna noloshii iyo horumarka ay ku taamayaan reer Buulo Xaaji” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh).

Buulo Xaaji waxaa ay Al-shabaab heysteen 16 sano, ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan gaaray deegaanka, iyadoo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo tagay deegaanka uu sheegay inaan dib looga laaban doonin.