U bood dhigaalka

Hanti-dowraha Qaranka oo Sheegay in 30 Million Lacag Ku Dhow La Lunsaday

Hanti-dhowraha Guud ee qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Ku dhowaad $21 Milyan oo dollar aysan qasnadda dowladda ku dhicin oo gaar loo leexsaday, islamarkaana baaritaan ay sameeyeen sidaa ku ogaadeen.

Lacagtan ayuu sheegay in la xaday ama la lunsadau intii u dhexaysay Maarso 2018 ilaa Abriil 2023, islamarkaana qasnadda dowladda laga waayay, balse ma sheegin cid gaar ah oo la ogaaday inay hantidaas dhacday.

Lacagta maqan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay daqligii ay sanadahaas qabteen Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waaxda bixinta baasaboorka, Wasaaradda Arrimaha shaqada iyo Arrimaha bulashada iyo laamo kale oo dowladda ka tirsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay maxkamadaysay masuuliyiin badan oo ka tirsan wasaaraha iyo laama kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haysatay eedaymo musuqmaasuq.