U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo Ka Wadahadlay Hormarinta Adeegyada Caafimaadka

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Sucuudiga ayaa Wasirku waxaa uu ugu horayn uga mahadceliyay taageerada dowlada Boqortooyada Sucuudigu ay ku bixiso horumarinta adeega caafimaadka, gaar ahaan bangiga dhiiga iyo xarunta lagu sifeeyo Kilyaha oo ay dad badan ka faaiidaystaan, Sidoo kale, Wasiirka ayaa safiirka ka codsaday in ay Wasaaradda Caafimaadka ay ka taageeraan horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ballan-qaaday inay qayb wayn ka qaadan doonaan mashaariicda lagu horumarinaayo adeegga caafimaadka, waxaana uu sheegay inay ka go’antahay in kaalmadda Hay’adda Boqor Salmaan ay miisaaniyad dheeraad ah uga faa’iidayso dadka Soomaaliyeed.