U bood dhigaalka

Dagaal Mar Kale Dib uga Qarxay Luuq iyo Barakac Ka Socda Xaafadaha Magaalada

Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saaka halkaasi uu ka socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, dagaalkaan ayaa daba socday dagaal shalay ka dhacay gudaha magaalada.

Dagaalka ka socda magaalada waxaa la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dagaalka uu kusii fiday duleedka magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka magaalada ayaa bilaabay in ay ka barakacaan magaalada sababo la xariira dagaalka ka socda.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan, kaasi oo soo kala gaaray labadda dhinac ee dagaalamaya iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Maleeshiyaadka dagaallama ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaan ciidankii ku sugnaa magaalada oo dhinacyada ku kala biiray.

Dagaalkaan ayaa ka dhashay dilal la xariiray anooyin qabiil oo ka dhacay degmada Luuq iyo isku heysashada ilo dhaqaalle sida Jidgooyooyin.