U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Shirkii Koowaad ee Golaha Wasiirrada Ururka EAC

Wafdiga ka socda Dowladda JFS oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamka ahna u qaybsanaha Arrimaha Bulshada Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Ali M Omar (BALCAD) ayaa ka qayb galay shir madaxeedka 1aad ee golaha wasiirada.

Shirka ayaa qabsoomay muddo saddex maalmood ah, waxaana isugu yimid Wasiirada Arrimaha Dibadda & iyo Wasiirada EAC.

Waxyaabaha lagu qaadaa dhigay waxaa ka mid ah “kor u qaadida is-dhexgalka gobolka, nabadda & amniga ee Bulshada Bariga Afrika.

Waxaana shirka lagu qabtay magaalada Zanzibar, Tanzania wuxuuna ku soo gabagaboobay natiijo wax ku ool ah iyadoo golahu uu soo saaray War-murtiyeedka aad looga baaraan degay isla markaasna ay wada saxiixeen wasiiradda dalalka ku bahoobay Bulshada Dhaqaalaha Bariga Afrika – EAC.