U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland oo Kaabiga Ku Haya Xagar iyo Jamaame

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa fuliyey howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalkooda ku gaaray deegaanno la sheegay in Shabaab isku uruursanayeen, , waxaana jira khasaare ka dhashay howlgalka sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka.

,Ciidamada ayaa ku sii wajahan deegaano hor leh, iyagoo kaabiga ku haya magaalooyinka Xagar iyo Jamaame, sida lagu yir war ka soo baxay ciidanka, maalmihii lasoo dhaafay ciidanka ayaa la waraeegay deegaanno dhowr ah.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada ayaa Warbaahinta ciidamada u sheegay in howlgalku uu sidii loo qorsheeyay u socdo, isla markaana ay bulshada faahfaahin ka sii doonaan markii lasoo gabagabeeyo.

Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan bilaabay howlgal u jeedkiisa lagu sheegay in Al-shabaab lagaga saaro deegaannada at kaga sugan yihiin Jubbada hoose, xilli dhowaan laga saaray Buulo Xaaji.