U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo Soo Gabagabeysay Dhageysida Dacwadda Dilka Ganacsade Abuukar Kaabax

Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay gal dacwadeedka ku saabsan dilkii Ganacsade Abuukar Kaabax oo loo heysto Taliyihii Booliska degmada Heliwaa iyo qaar kamida ilaaladiisii gaarka ahaa.

Maxkamadda ayaa ugu horrayn dhageysatay dhinaca eedaysanayaasha qareenadii u doodayay iyo eheladooda oo ka warbixiyay sababtii ay maxkamadda darajada koobaad oo dil toogasho ah ku xukuntay racfaanka uga soo qaateen, waxayna sheegeen inaanay go’aankii hore ku qancin oo caddaymaha loo cuskaday aysan dhammaystiranayn, islamarkaana ay eedeysanayaashu aysan qiraal ahayn.

Xeer ilaalinta ayaa dhankooda soo bandhigay caddaymo faldambiyeedka la xariira, ayagoo fadhiga maxkamadda keenay marqaatiyaal kala duwan, islamarkaana guddoonka maxkamadda ka dalbadeen inuu dil toogasho ah ku xukumo raggan loo haysto dilkii ganacsade Abuukar kaabax ee dhacay bishii Febraayo.

Sidoo kale maxkamaddu waxay su’aala weydiisay eedeysanayaashu, waxay inkireen inay ku faldambiyeedka ku luglahaayeen, halka qaarkood ay sheegeen in kuwo kale ka dambeeyeen kiiska, ayaguna ay goobtuu ka dhacay ku sugnaayeen, balse aysan ka qeyb-qaadan fulintiisa.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida mudane Liibaan Cali yarow ayaa ugu dambeyn fadhiga maxkamadda soo xiray, wuxuuna sheegay inay ayagu go’aanka dib ka soo saari doonaan.