U bood dhigaalka

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka oo Shir Muhiima Ugu Qeybgalay Dalka Tunisia

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaala-madaxda dalka Tuniisiya ee Tuunis uga qayb-galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo sannadle ah ayaa waxaa xilligan diiradda lagu saaray, ka hortagga dukumentiyada safarka ee been abuurka ah iyo la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyadoo gabagabadii lagasoo jeediyay talooyin ku habboon sida looga hortagi karo socdaalka sharci darada ah.

Shirka ayaa oggolaaday in la abuuro Guddi Farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta la xirriirta safarka iyo dhaqdhaaaqa muwaadiniita wadamada ku jira Jaamacadda Carabta.