U bood dhigaalka

Faahfaahinta Dagaal iyo Israsaaseyn Ka Dhacday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas iyo dagaal ka socda Xabsiga dhexe ee Xamar ee ku yaalla Muqdisho.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay qaar ka mid ah maxaabiista  ku xiran xabsiga oo helay hub ay gudaha ka bilaabeen rasaas iyo Bambaanooyin sidaasna uu ku bilowday iska hor imaadka.

Wali rasaas goos goos ah ayaa gudaha xabsiga dhexe ka socota, wararkuna waxaa ay sheegayaan inuu khasaare kala duwan ka dhashay weerarka ka socda xabsiga dhexe.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee booliska ayaa howlgal ka wada Gudaha xabsiga dhexe si ay gacanta ugu dhigaan dagaalamayaasha.

Xaalka Xabsiga dhexe oo ay ku xiran yihiin boqolaal maxaabiis ah ayaa saaka degeyn, waxaana dadka ku xiray ay yihiin kuwa ku eedeysan dambiyo kale.