U bood dhigaalka

Mala Joogaa Xilligii Dib Loo Howlgelin Lahaa Diyaaraddii Soomaali Airline?

Waxaa dalka Soomaaliya si maalinle ama todobaadle ah u yimaada 10-naan diyaaradood oo ay leeyihiin dowlaha dunidu, kuwo ay shirkadu gaar ahi leeyihiin duulimaadyada ay ku imaanayaan, iyo rakaabka ay qaadayaan malaayiin doolar ka hela.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay kuwo cusubi bilaha iyo sanadaha soo socda ku soo biiraan gaadiidka cirka ee u kala gooshidda Soomaaliya iyo dunida intee kale dheefta dhaqaale ka raadinaya, inkastoo ay isku socadka dadka u hormar u yihiin.

Dalalka iska leh diyaaradahan ayaa dhaqaale xoog leh ka hela duulimaadyada ay Soomaaliya ku imaanayaan, halka anagu aan canshuur iyo qidmad oggolaansho oo aan buurnayn ka helno, haddaba inaga maxaa inaga hortaagan inaan diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines soo ceshanno?

Horraantii sanadkii 1991-dii waxaa nagu habsaday burbur dowladnimo oo baaxadweyn, wuxuuna jilbaha u dhigay  quwaddii iyo qaab-dhismeedkii maamul ee dalkeena oo jeer lagu tilmaami jiray mid kamida kuwa ugu awoodda badan qaaradda afrika.

Intaanu burburkaasi inagu dhicin waxayna lahayn qaran xooggan oo ay dhammaan hay’adaha iyo haykalka dowladnimo ee uu dal yeelaan karaahi  u dhammaystiranyihiin, cirif ka cirifna gayigeena ka taliya jiray oo ay dunidu ka haybaysan jirtay, txix-gelin iyo taageero aan baryo ahaynna asaageenna kaga heli jirnay.

Waxaanu haysannay maraakiib ganacsi oo ayagoo calankeena buluuga ihi ka babanayo dacalada aduunka u kala gooshi jirtay , kuwa dagaal oo ka gees ka gees baddeena gaaf wareegi jiray, diyaarado jaad walba leh, taangiyo, qalab casri ah oo beeraha, dhismayaasha iyo kaaba-yaasha kale aanu ku hormarsanno,iyo wax kastoo dal tisqaaday oo maamul ahaan, dhaqaale ahaan, iyo ciidan ahaanba u dhisani uu ku faani karo.

Waxaasoo dhammi waxay ahaan astaamihii wacnaa ee waayadii baraaraha oo ay dadkii u soo joogay beri-samaadka  u bixiyeen, kolkii ay wixii kobac iyo horimar dalka socday iyo tubtii hagaagsanayd ee aanu ku joognay u bageen.

Taasi waxay ahayd jeer aanu dunida inteeda dhaqan ka mid ahayn oo ciddaanu waxtarno mooyee aynaan taageero iyo taakuto toonna asaageen ka tuugi jirin, hayeeshee waxaa ka dambeeyay  jab iyo halaag  aynaan mahdin oo aanu illaa imminka la tiicayno,jeer aanu ka bixi doonona aynaan aqoon.

Inkastoo inta da’da 40-ka ka yar ay riyo iyo rumaysan waa u tahay oo aanay maqal mooyee marag ahaan u ogeyn, intii u soo joogtayna ay xusuus xilligeedii macaan asii maanta murug iyo muraala-dillaac ku ridi doonta u tahay qormadan waxaanu diiradda ku saarayna  waayihii wacnaa iyo waxyaabihii toolmoonaa ee quwaddeena dowladnimo astaanta u ahaa.

La soco qeybta xegta.