U bood dhigaalka

Dad Lagu Dilay Duqeymo Ka Dhacay Gongo Kadib Dagaal u Dhaxeeyay Fallaagada iyo Dowladda

Wararka ka imaanaya dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegaya in dad carruur u badan lagu diley duqeyn ka dhacday dalkaa, sida ay ila maxalli ahi Warbaahinta u sheegeen, kadib weerar ay fallaagada ay soo qaadeen.

Fallaagada M23 iyo dowladda ayaa ayaa ku dagaalamaya gobollo badan oo dalkaas kamida, waxayna dhacdadani timid ayadoo 5-tii bishan uu Maraykanku ku dhawaaqay xabbad joojin bini’aadantinimo oo laga hirgeliyo dalkan ay colaadu daashadeen ee ku yaalla bartamaha Afrika.

Xabbad-joojinta la dhex dhigay xukuumadda Kinshasa iyo jabhadda M23 ayaa la qorsheeyay inay socato illaa 19-ka bishan July, balse dagaal xooggan oo labada dhinac aanay waxba iskula harin dib u qarxay Jimcihii la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee taageeraya ciidamada dowladda DRC ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay meel 70km u jirta magaala madaxda gobolka gobolka Waqooyiga ku yaalla ee Kivu, islamarkaana uu ku fiday illaa magaalada Bweremana oo 15km u jirta magaalada Gomo.

Dadka dhintay waxaa ku jira labo caruur ah oo isku qoys ah, sida uu sheegay Innocent Mwitehofu Mumbara, oo ah hogaamiye bulshada rayidka ah ee deegaanka, waxaana la soo warinayaa tiro kaloo dhimasho ah iyo dhaawacyo kala duwan.

Dalka Congo DRC ayaa qalalaase ku soo jiray taniyo 1970-meeyadii, waxaana goobaha qaar jooga ciidamo shisheeye oo ka socda Qaramada Midoobay, halka dowladda ay gacanta ku hayso caasimadda Kinshasa iyo meelo kale.