U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Khasaaraha Shabaab Lagu Gaarsiiyay Dagaal Ka Dhacay Bariga Galgaduud

In ka badan 50 dagaalame oo Alshabaab ka tirsan ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay.

Xubnaha lagu laayay howlgalka ayaa isugu jira hoggaamiyaal sar sare iyo xubno Alshabab, waxayna dhacdadani timid ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanku ay heleen xogta dagaalamayaashan oo isku aruursanayay halkaas, sida warka ay dowladdu soo saartay lagu yiri.

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo weli lagu raad joogo xubno kale oo aaggaas ka dhow, wuxuuna howl-galkani qeyb ka yahay guluf ballaaran oo dalkoo dhan ka socda, kaas oo ka dhan ah kooxda Alsha