U bood dhigaalka

Kiisaska Dhimashada Cudurka Daacuunka oo Sii Kordhay Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya oo Walaac Ka Muujisay

Warbixin cusub oo kasoo baxday Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 134 qof ay u dhinteen cudurka daacuunka , sidoo kalena cudurka uu soo ritay 16,231 qof tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan.

Kiisaska waxaa sii kordhiyay roobabkii ka da’ay dalka ee dhawaan iyo daadadka ka dhacay meelaha wabiyada u dhow sida ay dawladdu sheegtay Isniintii.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 10,273 xaaladood, ama 63% wadarta guud, lagu sifeeyay kuwo daran.

“Waxaa wax laga xumaado ah in 134 dhimasho ah la diiwaan galiyay inta lagu guda jiro warbixintan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wasaaraddu ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in kiisaska daacuunka ee Soomaaliya ku soo badanaya ay sabab u tahay tirada sii kordhaysa ee dadka aan helin biyo nadiif ah iyo nadaafad wanaagsan.

Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan dalka Soomaaliya ayuu si ba’an u saameeyay cudurka daacuunka, iyadoo degmada Kismaayo laga diiwaan geliyay tiradii ugu badneyd ee uu soo haleelay cudurkaasi, waxayna wasaaraddu sheegtay in tirada dadka uu soo ritay ay gaarayaan 2,567, taasoo u dhiganta 16 boqolkiiba kiisaska oo dhan

“Iyadoo laga jawaabayo dillaaca daacuun caloolaha, olole ballaaran oo tallaalka daacuunka afka laga qaato ayaa la hirgeliyay, kaas oo lagu bartilmaameedsaday 920,913 qof oo ku kala nool dhowr degmo oo uu si weyn u saameeyay,” ayay wasaaraddu tiri.

Ololaha, oo lagu bartilmaameedsaday saddex kooxood oo da’doodu tahay — carruurta da’doodu tahay 14 sano, kuwa da’doodu tahay 5-15 sano, iyo shakhsiyaad ka weyn 15 sano — ayaa si guul leh u tallaalay 895,680 qof.

Sannadkii 2023, in ka badan 18,304 xaaladood oo daacuun ah iyo 46 dhimasho ah ayaa laga soo sheegay Soomaaliya, iyadoo in ka badan kala badh ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano.