U bood dhigaalka

Ra’iisuwasaare Ku-xigeenka : In Ka Badan 200,000 oo Caruur ah Ayaa Helay Fursad Labaad oo Waxbarasho

Sheeko:Waxbarashada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa guddoomiyay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ay ka qalin jabiyeen 12,773 arday oo isugu jira caruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo helay koorsooyin waxbarasho oo gaar ah sanadka 2024.

Dhalinyaradaan ayaa helay fursada iyadoo oo loo marayo barnaamijka waxbarashada gabdhaha qaan-qaarka ah ee AGES oo ay maalgaliyeen Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska.

Dadka qalin jabiyay waxaa ku jira 11,176 haween da’ yar iyo gabdho qaan-gaar ah oo Soomaaliyeed waxay dhammaysteen koorso waxbarashada dadban oo 11-bilood ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xirfadaha akhris-qoraalka, xisaabta iyo hoggaaminta.

Munaasabadan ayaa sidoo kale loogu dabbaal degay 1,597 arday oo ah kuwii ugu horeeyay ee soo dhameysta barnaamijka la dardar geliyay ee waxbarashada aasaasiga ah oo loo yaqaano Bar Ama Baro ee USAID kaas oo soo koobay sideed sano oo waxbarashada hoose ah lagan dhigay afar sano.

Ardayda qalin jebisay waxaa ku jira gabdho iyo wiilal naafo ah oo u soo baxay inay noqdaan dad ku dayasho mudan iyo safiiro, u ololeeya diiwaangelinta dugsiyada iyo ka qaybqaadashada firfircoon ee bulshooyinkooda iyo asxaabtooda.

Helitaanka waxbarashada ayaa weli caqabad weyn ku ah Soomaaliya gaar ahaan gabdhaha iyo haweenka da’da yar, iyadoo boqolkiiba 25 keliya gabdhaha dhigta dugsiga hoose ay dhigtaan dugsiyo rasmi ah.

Caqabado kala duwan sida guurka degdega ah, mas’uuliyadda guriga iyo takoorka jinsiga ayaa sii kordhinaya caqabadaha helitaanka waxbarashada gabdhaha.

lyadoo la aqoonsanayo arrintan xasaasiga ah, barnaamijka Waxbarashada Gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES), oo ay si wadajir ah u maal-galiyeen USAID iyo Dowladda Ingiriiska ayaa taageeray in ka badan 90,000 oo gabdho iyo haween da’ yar ah oo aan dugsiyada dhigan (da’dooduna tahay 15-25) si ay uga qaybqaataan waxbarashada iyo barnaamijyada xirfadaha nolosha tan iyo 2018ki.

Mashruucyadan waxay bixiyaan xirfadaha akhriska iyo xisaabya aasaasiga ah, fursadaha hoggaaminta, iyo aqoonta maaliyadeed.

AGES waxay hiigsanaysaa in ay awood siiso gabdhaha in ay ku noolaadaan nolol caafimaad oo waxtar leh, yaraynta suurtagalnimada guurka degdega ah iyo in ay awood u siiso in ay wax ku biiriyaan bulshadooda oo ay u dhistaan mustaqbal ifaya naftooda iyo qoysaskooda.

Sidoo kale, barnaamijka Bar ama Baro (BAB) ee ay maalgalisay USAID ee 5-ta sano ah ayaa in ka badan 100,000 caruur iyo dhallinyaro ah oo aan dugsiyada dhigan ka diiwaan geliyay 32 degmo oo ka tirsan dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubaland iyo Banaadir.

BAB oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Wasaaradaha Waxbarashada ee dowlad goboleedyada ayaa waxay dejisay siyaasadda dardargelinta waxbarashada aasaasiga ah, qaab dhismeedka manhajka waxbarashada, kaas oo soo koobaya siddeeda sano ee waxbarashada aasaasiga ah kana dhigay afar sano taasoo u sahlaysa carruurta da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 16 inay la qabsadaan oo ay ku biiraan nidaam dugsiyeedka rasmiga ah ama helaan shahaadada dugsiga hoose.

In ka badan muddo shan sano ah, BAB waxay tababartay in ka badan 2,600 oo macalimiin iyo maamulayaal, waxay hawlgelisay isla markaana la shaqeysay 8,000 oo xubnood oo ka tirsan Guddiyada Waxbarashada Bulshada, waxay siisay biyo nadiif ah oo la cabbo 275 dugsi, waxayna qaybisay in ka badan 800,000 oo agab waxbarasho ah.

Ra’ilsul Wasaare ku xigeenka oo ka hadlay xafladda ayaa yiri “Waxbarashadu waxay muhiim u tahay horumarka Soomaaliya iyo in dadkeenna loo suurtageliyo inay si buuxda uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada nolosha. Waxbarashadu waxay kobcisaa fikirka muhiimka ah waxayna awood siisaa shakhsiyaadka iyo bulshada. Waxbaridda gabdhaha iyo haweenka gaar ahaan waxay horseedaa kobac dhaqaale waxayna saameyn weyn ku leedahay daryeelka caafimaadka,

nafaqeynta, guurka deg dega ah, iyo qorsheynta qoyska. Waxbarashadu waa udub dhexaadka horumarka Soomaaliya iyadoo kobcisa fikirka muhiimka ah isla markaana xoojisa haweenka si ay u horumariyaan dhaqaalaha. Hay’adda USAID iyo Dowladda UK way ku mahadsanyihiin iyagoo ka shaqeeyay in dhalinyaradan wax bartaan, helaan xirfado muhiim oo u horseeda mustaqbal ifaya sababtoo ah dhalinyaro wax baratay waxay ay si weyn uga qayb qaataan caafimaadka, nafaqada, iyo samaqabka bulshada.”

Safiir ku-xigeenka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Sam Thomas ayaa yiri, “Annagoo isticmaaleyna Barnaamijka waxbarashada gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES) oo ay si wadajir ah u maalgelinayaan UK iyo USAID, waxaan ku faraxsannahay inaan awood siinnay 90,000 oo gabdho iyo haweenka da’da yar ee Soomaaliyeed oo helay xirfado iyo fursado mustaqbal oo ifaya.

Guusha AGES waxay ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay waxbarasho loo dhan yahay iyo sinnaanta jinsiga, oo muhiim u ah horumarka waara ee Soomaaliya. Waxaa naga go’an inaan xoojinno iskaashiga aan la leenahay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka si aan u sii wadno horumarinta waxbarashada iyo awood siinta bulshooyinka la haybsooco ee Soomaaliya oo dhan.”

“Dhamaystirka mashruuca waxbarashada gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES) iyo mashruuca Bar ama Baro (BAB) ayaa wuxuu tusinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan awood siinno gabdhaha, wiilasha iyo haweenka da’da yar ee la haybsooco iyadoo loo marayo waxbarashada,” ayay tiri Nuura Mustaf, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

“Annaga oo kaashanayna hay’adda USAID iyo dawladda UK, barnaamijka AGES waxa uu awood siiyey in ka badan 90,000 oo gabdho iyo haween da’yar ah oo la haybsooco, isaga oo siiyay xirfadaha lagama maarmaanka u ah akhris-qoraalka, xisaabta, iyo aqoonta dhaqaalaha,” ayay tiri Ummy Dubow, Madaxa CARE ee Soomaaliya.