U bood dhigaalka

In Ka Badan 23 Ruux oo Ku Geeriyootay Shil Gaari oo Ka Dhacay Buuraleyda Andes ee Peru

Shil bas oo ka dhacay buuraleyda Andes ee dalka Peru ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa ku dhibtoonaya inay gaaraan goobta uu shilku ka dhacay buuraha qalafsan iyo isgaarsiin xumada xagga gaadiidka ah ayaana xaaladda sii cakiraya, taasoo keentay in si fudud lagu tagi waayo meesha ay musiibadu ka dhacday.

Qoraal ay baraha bulshada ku daabacday wasaaradda guduhu ayaa lagu sheegay in booliska Peru ay wadeen hawl-gal baaritaan iyo sama-tabbixin isugu jira ka dib shilkii ka dhacay gobolka Ayacucho, oo ku yaal koonfurta-dhexe ee buuralayda Andes, sidoo kalena waxaa qoraalka lagu sheegay in 13 qof oo dhaawac ah ayaa laga soo badbaadiyay goobta shilku ka dhacay.

Jhonny Rolando Valderrama oo ah madaxa qaybta ilaalinta waddooyinka Peru ayaa u sheegay idaacadda RPP in shilku uu ka dhacay waddada weyn ee Los Libertadores ee gobolka Ayacucho, kuwaas oo ku yaalla figta sare ee buuraleyda Andes.

Baska oo ay saarnaayeen in ka badan 40 qof ayaa ku wajahnaa Ayacucho asagoo ka yimi caasimadda Lima, wuxuuna ku dhacay dhagax weyn oo ku dhow 200m am 656 cagood sida uu sheegay Valderrama, wayna adag tahay in la galo in kooxaha gurmadku ay goobta gaaraan, jidadka halkaas gala oo aad u liita awgood.

Sawiro ay faafiyeen wakaaladaha wararka iyo warbaahinta gudaha Peru ayaa muujinaya bas waxyeelo soo gaartay oo dhinac u yaalla meel doog ah, qashinna uu daadsan yahay hereerihiisa.

Waddooyinka mara dhulka buuraleyda ah ee Peru ayaa kamida kuwa ugu halista badan dunida, ayadoo ay shilalku si joogto ah ugu dhacaan, hayeeshee kumanaan dalxiiseyaal iyo dadka deegaanka isugu jira ayaa socdaal maalinle ah ku mara jidadkaas.