U bood dhigaalka

40 Ruux oo Ku Geeriyootay Dalka Haiti Kadib Markii uu Dab Qabsaday Dooni ay Saarnaayeen

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 qof oo Haiti ah ay ku dhinteen badda, dhowr qofna ay ku dhaawacmeen ka dib markii dooni ay la socdeen uu dab qabsaday.

Doonidan oo ay saarnaayeen in ka badan 80 qof ayaa ka soo ambabaxday xeebaha Waqooyi ee dalka Haiti, waxayna ku sii jeedday jasiiradda Caicos, oo ah 250 km u jirta Fort Saint-Michel oo ah halka ay ka soo baxday, sida ay sheegtay IOM.

Doonta ayaa ku gubatay xeebaha Cap-Haitien ee waqooyiga Haiti, 11 qof oo kamida dadkii laga soo badbaadiyay ayaana laga daweeyay dhaawacyo ay gubasho ah oo soo gaaray sida ay hay’addu sheegtay.

“Dadka doonta saarnaa waxay isticmaaleen taraq si ay shumacyo u shidaan, taasoo keentay in dab uu qabsado” ayuu yiri Jean-Henry Petit oo ah madaxa xafiiska ilaalinta rayidka ee waqooyiga Haiti, asagoo la hadlayay wargeyska Miami Herald.

Dhacdadan ayaa tusaale u ah halista ay wajahayaan dadka tahriibayaasha ah ee Haiti, kuwaas oo adeegsada doomo qadiimi ah, islamarkaana tiro sidkooda ka badan ku raaca, arrintaas oo ay hay’adda socdaalka dunidu ku tilmaantay mid u baahan wax ka qabasho degdeg ah.