U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Caalimkii Soomaaliyeed Sheekh Cismaan Xidig oo Kooban 1942-2024

Sheekh Cismaan Sheekh q Cumar Sheekh Daa’uud Culusow Wuxuu Ku Dhashay Magaalada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud Soomaliya Sanadkii 1942, wuxuuna ka dhashay qoys diimeed magac dheer ku lahaa, illaa haddana ku leh guud ahaan Soomaaliya iyo dunida islaamka qaarkeed.

Shiikh Cismaan Waxaa aad U Tarabiyeeyay Oo Cilmiga Baray Adeergiis Shiiq Cabdullaahi Shiiq Daa’uud Culusow, asagoo 10 Sano jir ah ayuuna xafiday oo dumasha ka qeybay qur’aanka kariimka ah, ka dibna wuxuu billaabay barashada culuumta kale ee shareecada Islaamka.

Sheekhu xilli lagu hillaadinayo 1960-meeyadii ayuu u soo wareegay Magaalada Muqdisho, asagoo culumadii Waawaynaa ee xilligaas xer u noqday, islamarkaana Ka bartay faniyada kala duwan ee Cilmiga diiniga ah.

Shiikh Cismaan wuxuu Qoray 50 meeyo Kutub, oo uu qaarkoodna alifay, kuwo kalena turjumay, waxaana kamid ah kitaabu Dalaaqa, Maqaasidu Saniyah, kitaabu niyaadah, nasaa’ixul Mursalah, iyo kuwo kale.

Shiikh Cismaan Xiddig Allaha u naxariistee waxaa ka aflaxay oo wax ka bartay culumo badan oo haatan dalka caan ka ah, kuwaas oo uu kamid yahay Shiikh Abuukar Xasan Maalin, wuxuuna geeriyooday asagoo 82 Sano jir ah, waxaana lagu aasayaa goob uu horay uga dardaarmay oo ku taalla degmada Kaaraan.