U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka: kumuu ahaa Axmed Cali Cigaal ?

Ogoosto 1, 2026

Alle ha u naxariistee dalka Mareykanka ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Axmed Cali Cigaal oo muddooyinkii dambe la sheegay inuu halkaas ku xanuunsanaa.

Axmed Cali Cigaal wuxuu ka mid ahaa haldoorkii ugu waaweynaa ee fanka Soomaaliyeed, isagoo caan ku ahaa codkiisa baxsan, jilitaankiisa mucjisada, laxamiistiisa iyo curinta heesaha.

Waxa uu kaalin weyn ku lahaa kobcinta fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligii dahabiga ahaa ee kooxdii hobollada waaberi ay hormuudka u ahaayeen suugaanta Soomaaliyeed.

Axmed Cali Cigaal wuxuu dhashay sanadkii 1952-kii, asagoo ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo oo ka tirsan deegaanka Soomaalida.

Intii uu yaraa ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo barbaaray kuna qaatay waxbarashadiisii dugsiyada hoose iyo dhexe.

Kadib waxbarashadiisa aasaasiga ah, wuxuu 1966-kii ku biiray iskuul lagu baran jiray muusigga, taasoo u gogol xaartey xirfaddiisa faneed.

Labo sano ka dib ayuu si rasmi ah ugu biiray bahda fanka Soomaaliyeed, hase yeeshee fanka wuxuu bilaabay isagoo weli arday ah sanadkii 1967-kii.

Riwaayaddii ugu caansanayd ee uu ka qayb galo waxay ahayd “Shabeel Naagood”, oo uu curiyay Alle ha u naxariistee Xasan Sheekh Muumin, waxa uu sidoo kale si weyn magiciisu u soo shaac baxay riwaayaddii “Yaxaas Dhagaduub”, oo uu qoray Alle ha u naxariistee Maxamuud Sangub.

Labadan riwaayadood ayaa noqday kuwo si weyn loogu ammaanay, laguna bartay hibadiisa faneed, waxaana ay Axmed Cali Cigaal u horseedeen inuu noqdo fanaan caan ka ah guud ahaan Soomaaliya.

Intii uu ku jiray bahda fanka, Axmed wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan Kooxda Hobollada Waaberi, halkaas oo uu ku soo bandhigay riwaayado iyo heeso badan oo bulshada Soomaaliyeed qalbigeeda ku reebay raad waara.

Axmed Cali Cigaal wuxuu ahaa fanaan codkar ah, laxamiiste xirfad leh, jilaa heer sare ah iyo curiye suugaan leh, waxaana lagu xusuustaa heeso badan oo weli caan ka ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah:
• Badu Inay Madowdahay
• Cuku Howl Adduun Badanaa
• Gayaan (oo uu la qaaday Khadra Daahir Cige)
• Kaban
• Dad Hargeysa Soo Maray
• Sida Dhoolka Guga
• Sida Neefta Weylaha
• Deeqa
• Waa Laysu Soo Noqon

Sidoo kale, wuxuu ka qayb qaatay matalaadda riwaayado badan oo soo baxay xilligii dahabiga ahaa ee fanka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee uu gaaray ayaa ahaa inuu ka mid noqdo aas-aasayaashii kooxdii Somali Jazz, oo horseed u noqotay soo bandhigista heeso casri ah oo Soomaaliyeed, kuwaas oo bulshada u furay qaab cusub oo muusig iyo madadaalo ah.

Muddooyinkii dambe ee noloshiisa, Axmed Cali Cigaal wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka, asagoo sanado ka hor wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu ka yaraaday masraxyada fanka, islamarkaana uu xoogga saarayo cibaadada, isagoo sheegay in loo yaqaan Sheekh Axmed.

Saacado ka hor ayaa Alle ha u naxariistee Axmed Cali Cigaal ku geeriyooday dalka Mareykanka, ka dib muddo uu xanuunsanaa, waxaana geeridiisa si weyn uga tacsiyeeyay madax, bahda fanka Soomaaliyeed, hal-abuurro iyo dad kale oo saameyn leh.