U bood dhigaalka

DEG DEG: Joe Biden oo Ka Haray Tartanka Doorashada madaxtinimada Mareykanka

Joe Biden ayaa ka baxay tartanka doorashada madaxtinimada ee 2024-ka,taas uu ku matali lahaa xisbigiisa Dimuquraadiga markii labaad, xilli maalmihii dambe uu saarnaa cadaadis xisbiga gudihiisa ah.

Madaxweynaha Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuusan mar dambe raadin doonin xilli labaad. Taa beddelkeeda, Dimuqraadiye kale ayaa hadda u baahan doona in la doorto si uu uga hortago musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump bisha November.

“Sharaftii ugu waynayd ee nolosheyda waxa ay aheyd in aan noqdo madaxweynahaaga”. ayuu yiri Biden.

“Waxaan aaminsanahay inay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaygaba. in aan xilka iska casilo oo aan diiradda saaro oo kaliya gudashada waajibaadkayga madaxweynenimo inta ka harsan muddo xileedkayga”.ayuu intaasi kusii daray.

Hadalka kasoo baxay ayaa waxaa uu imaanayaa xilli maamulkiisa uu fadeexad kala kulmay isku day dil lagu qaaday ninka sida weyn ay isga soo horjeedeen Donel Trump, kaas oo dhaawac soo gaaray dhanka dhagta ah, xisbiga ayaa lagu wadaa in ay soo magacaabaan shaqsigii badali lahaa Biden.