U bood dhigaalka

Diyaaradaha Dagaalka Israel oo Duqeeyay Magaalada Xudeyda ee Dalka Yemen

Milateriga maamulka Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka fuliyeen magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee dalka Yemen, taas oo jawaab u ah weerarrada kooxda Xuutiyiinta horey ugu qaadeen dhinacooda.

Wasaaradda caafimaadka ee ka hawl-gasha deegaannada ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen, 87 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha, ayadoo intaa ku dartay in qaar badan oo ka mid ah dadkaas waxyeello gubasho ahi ay soo gaartay.

Duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Xuutiyiinta ay sheegteen mas’uuliyadda weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo hal qof ku dilay Tel Aviv, laguna dhaawacay 10 kale oo Israa’iiliyiin ah.

TV-ga Al Masirah ee taageera kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarka Israel lala beegsaday goobo lagu keydiyo saliida iyo warshad koronto oo ku taal Xudeydah, halkaasi oo uu dab ka kacay, waxyeello gubasho ahi ay ka dhalatay.

Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiisha caafimaadka ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aan la cayimin tirada rasmiga ah, balse militariga Israa’iil ayaa caddeeyay in ay duqeeyeen bartilmaameedyo militari oo ku yaal Yemen.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo inuu dagaalka Qasa ku sii baaho guud ahaan Bariga Dhexe, waana duqeyntii ugu horreysay ee ay Israa’iil ka fuliso gudaha Yemen tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa.